مِنْ أَجْلِ ذَٰلِكَ كَتَبْنَا عَلَىٰ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ أَنَّهُۥ مَن قَتَلَ نَفْسًۢا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًۭا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَآ أَحْيَا ٱلنَّاسَ جَمِيعًۭا ۚ وَلَقَدْ جَآءَتْهُمْ رُسُلُنَا بِٱلْبَيِّنَٰتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرًۭا مِّنْهُم بَعْدَ ذَٰلِكَ فِى ٱلْأَرْضِ لَمُسْرِفُونَ ﴿٣٢﴾
Saas Darteed yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii Disha Naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka Dhammaan, Ciddii Noolaysa Nafna (Korisa) Waxay la mid Tahay Isagoo Nooleeyey Dadkoo Dhan, Waxay ula Timid Rasuuladanadii Xujooyin Markaas in Badan oo ka mida Intaas ka dib Dhulkay ku Xadgudbeen.
۞ قُلْ تَعَالَوْا۟ أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ ۖ أَلَّا تُشْرِكُوا۟ بِهِۦ شَيْـًۭٔا ۖ وَبِٱلْوَٰلِدَيْنِ إِحْسَٰنًۭا ۖ وَلَا تَقْتُلُوٓا۟ أَوْلَٰدَكُم مِّنْ إِمْلَٰقٍۢ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ۖ وَلَا تَقْرَبُوا۟ ٱلْفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ ۖ وَلَا تَقْتُلُوا۟ ٱلنَّفْسَ ٱلَّتِى حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ ﴿١٥١﴾
Waxaad Dhahdaa Kaalaya aan idiin Akhriyo waxa Eebe idinka reebaye, waa inaydaan wax la Wadaajin, Labada waalidna waa inaad u samo Fashaan (Oydaan Caasiyin) oydaan laynna Caruurtiinna Saboolnimo (Baahi) Anagaa idinka iyo Iyagaba Arzaaqi, hana u Dhawaanina Xumaanta teeda muuqata iyo Teeda Qarsoonba, hana dilina Naftii Eebe Reebay in Xaq darro lagu Dilo, saasuuna Eebe idin fari inaad wax kastaan.
وَلَا تَقْتُلُوا۟ ٱلنَّفْسَ ٱلَّتِى حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلْحَقِّ ۗ وَمَن قُتِلَ مَظْلُومًۭا فَقَدْ جَعَلْنَا لِوَلِيِّهِۦ سُلْطَٰنًۭا فَلَا يُسْرِف فِّى ٱلْقَتْلِ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ مَنصُورًۭا ﴿٣٣﴾
Hana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa loo Gargaaraye.